Dowladda oo war kasoo saartay Abaaraha Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saartay xaaladda adag ee Abaaraha ee ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoo laga digay qataro hor leh oo dadka Soomaaliyeed kusoo food leh

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo war kasoo saartay Abaaraha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamida wasiirada xukuumadda xil gaarsiinta ah oo isugu jira Wasiirka Gargaarka maaraynta masiibooyinka, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda adag ee abaaraha iyo dhibaatooyinka ka jira waddanka Soomaaliya.

Baaq ayey soo saareen wasaaradaha iyagoo ka hadalay xaaladda adag ee waddanka uu ku jiro maanta, waxaa lagu qiyaasay tiro ahaan dadka wajahaya xaaladda adag ee abaaraha laba malyan iyo shan boqol oo kun oo ruux oo ay la kulmeen cunno yari, biyo la'aan, saameynta ayaxa iyo Caabuqa Covid-19.

Roobabkii sanadkan oo yaraaday waxay qeyb ka qaateen in xaaladda abaaraha ay sii kororto, gobolka Gedo waxaa lagu soo warramaya in biyo la'aan darteed ay dad udhimanayaan, iyadoo ku jirta xaalad kacsan oo siyaasadeed u dhaxaysa madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaladda abaaraha waxay sii cakireysaa arrimaha bani-aadanimo qiyaasti 5.9 milyan oo qof oo Soomaaliyeed kuwaasoo u baahan gargaar bani-aadanimo.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in isbaddalka cimillada oo soo noqnoqotay ay qeyb ka tagay dhibaatooyinka, xasillooni darrida dalka ka jirta dalka iyo kororka dhaqaale ee muddudada dheer ayaa sidoo kale lagu tilmaamay waxyaabaha saameynta ku leh dhibaatada abaaraha.

Baaqa waxaa looga mahad celiyay hay'adaha qaramada midoobay doorkii ay ka qaateen arrimaha lagula dirirayo dhibaatada dalka ka jirta xilligan ee Abaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.