Dowladda Soomaaliya oo dayacday dhaawacyada qaraxii Elite Hotel

Isbitaalada Ex Digfeer iyo Madiina waxaa ku jiro dad qaba dhaawacyo halis ah oo aan dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin. 

Warar Keydmedia Online
Dowladda Soomaaliya oo dayacday dhaawacyada qaraxii Elite Hotel

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbitaalada Muqdisho qaarkood waxaa ku dayacan dad qabo dhaawacyo halis ah, kuwaas oo aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin, islamarkaana eheladooda aysan heysan dhaqaalo ku filan ay dalka dibaddiisa ugu qaadi karaan.

Dadka qaba dhaawacyadaan oo u badan shacab ayaa ku soo dhaawacmay qaraxyo ka dhacay todobaadkii la soo dhaafay gudihiisa gobolka Gedo iyo Muqdisho, waxaana dhaqaatiirta isbitaalada sheegeen in aan dalka gudhiisa waxba looga qaban Karin.

Keydmedia Online oo la xiriirtay dhaqaatiirta isbitaalada Digfeer iyo Madiina ayaa ogaatay in ku dhawaad 10 ruux oo caafimaad dibadda ah u baahan in ay jiraan, kuwaas oo waxyeelo ka soo gaartay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Elite Hotel 16 bishaan.

"Muddo todobaad ah ayay ku dhowyihiin dadkaan, xaaladooda caafimaad dalka waxba loogama qaba karo, waxey ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay Elite Hotel, ilaa iyo hadda majiro masuul ka tirsan dowladda oo na soo booqday.' ayuu yiri qof ku sugan Isbitaalka Ex Digfeer oo la hadlay keydmedia Online.

Dadka ugu badan ayaa haatan jiifo Isbitaalka Ex Digfeer ee Muqdisho, Waxaana xusid mudan in ilaa iyo hadda aanu jirin masuul ka tirsan dowladda oo booqasho ugu tegay, islamarkaana xaaladooda caafimaad soo indha indheeyay.

Qarixii ka dhacay Elite Hotel sabtidii la soo dhaafay ayaa waxaa ku geeriyooday 16 ruux, oo ay shan ka mid ahaayeen dableydii weerartay hotelka sida uu sheegay Afhayeenka booliska Soomaaliyeed Sidiiq.

Dhinac kale isla todobaadkaas gudihiisa qarax Miino ayaa Talaadadii ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, waxaan ku geeriyootay 13 ruux, balse dhaawacyadii la soo qaaday Muqdisho ayaa haatan hadan dayacan maadaama aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.