Dowladda Soomaaliya oo fasaxday Qaadkii Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraaddii saarneyd Qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya ka qaadday iyadoo ku xirtay shuruud ay la gashay ganacsatada qaadka keenta dalka.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Soomaaliya oo fasaxday Qaadkii Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ku dhawaaqay in uusan xayirneen saacaddaan wixii ka dambeeya, waxaa uuna la hadlay ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka soo dajisa, isagoo u sheegay in aysan dalka keenin qaad aan canshuurneen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday xayiraad rasmi ah in ay saartay Ganacsigii dalka Kenya ay lalaheed, kaasoo ahaa Qaadkii laga soo dhoofin jiray Kenya, hayeeshee qaadka ayaa dalka soo gali jiray si maalinle ah, magaalada Muqdisho oo maamulkiisa ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya ayaa qaadka si maalinle ah looga cuni jiray tan iyo intii uu xirnaa.

Wasiir Bayle ayaa u sheegay in ganacsatada ay keensan karaan Qaadka, balse wuxuu uga digay in lasii isticmaalo waddadii horay loo jeexay ee canshuur la'aanta, dowlada Soomaaliya waxay maalin walba ku canshuuri jirtay qaadka laga keeno dalka Kenya lacag ka badan $20,000 maalintii, lacagtaasi ayaa baaqatay, dalkana wuu soo gali jiray maalin kasta Qaadka, sidaas darteed dowladdu waxay qaadatay go'aan kale oo ah in ay fasaxday, canshuurteediina ay ka qaadato.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.