Dowladda Soomaaliya oo fasaxday shaqaalaheeda

Warqad kasoo baxday xafiiska wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu fasaxady muddo laba maalmood ah Shaqaalaha Dowlada iyo weliba shaqaalaha gaarka ah ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Soomaaliya oo fasaxday shaqaalaheeda

MUQDISHO - Soomaaliya: Waraaq rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu fasaxay muddo laba maalin ah shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale shaqaalaha gaarka ah, sababta fasaxa ayaa lagu sheegay curashada bisha Mowliid oo ah bishii uu dhashay Nabigeen Muxamad Nabad gelyo iyo Naxariis Alle ha yeelee,  labada maalin ayaa ku asteysan 12 - 13 Mowliid 1442 Hijri  oo ku beegan 29 - 30 Oktoober sanadka 2020.

Inta badan waraaqaha fasaxa ee kasoo baxa wasaaradda shaqadaha ee JFS waxay ku kooban yihiin shaqaalaha dowladda, ma jirto cid u xilsaaran hubinta iyo korjoogteynta fasaxa ay dowladdu siisay dhammaan shaqaalaha soomaaliya, kuwa gaarka ah iyo kuwa xafiisyada dowladda labadaba, mana dhaqan galo fasaxa shirkadaha gaarka ah ee dalka ka howl gala, maadama waraaqdan lagu caddeeyay dhammaan shaqaalaha in ay fasax yihiin, haddana ma jirto cid siin karta xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.