Dowladda oo Kenya ku eedeysay Amni darrada geeska Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Balad-xaawo, waxayna dowladda Kenya ku eedeysay in ay carqaladeyneyso Geeska Afrika iyo Nabad ku wada noolaashiiyaha.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo Kenya ku eedeysay Amni darrada geeska Afrika

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa eed kulul u jeedisay dowladda Kenya, waxaana dusha laga saaray Kenya mas'uuliyadda weerarkii xalay ilaa maantay barqadii kasocday magaalda Balad-xaawo, "DF waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka faafinta deg degga ah ayaa lagu yiri "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya". Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay Kenya jabisay sharciga adduunka u dagsan labda dal ee dariska ah, waxaana lagu eedeeyay in Kenya ay kasoo hor jeeddo Nabad ku wad noolaashiyaha Gobolka, "Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada." ayaa lagu yiri warka.

Ugu dambeyntii waxaa la ballan qaaday in dib laga soo sheegi doono wixii kusoo kordha xaaladda qasan ee ka jirta Gobolka Gedo. "Dib baan idinkala soo socodsiin doonaa wixii soo kordha” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay xaaladda dagaal ee gobolka Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.