Why the US is deploying troops to Somalia
Midawga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ku eeddeeyey, in aysan ka go'neyn dagaalka uu caalamka kula jiro burcad badeeda.
BRUSSELS, BELGIUM - Midawga Yurub ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay si aad ah uga gaabisay, howl-galka ka dhanka ah burcad badeeda, ee ay wadaan dalalka caalamka.
Saraakiil u hadlay Midawga Yurub ayaa aaminsan in weli ay taagan tahay, khatarta kooxaha burcad badeeda ah, iyagoo tilmaamaya in ay meesha ka maqan tahay kaalintii dowladda Soomaaliya.
Midawga Yurub ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey in dhawaan uu dhacayo waqtiga loo qorsheeyey, howl-galka la dagaalanka burcad badeeda badweynta hindiya ee loo yaqaan Atalanta.
Midawga waxey ku baaqeen in muddo kordhin loo sameeyo howl-galkaas, taas oo haddii aysan suura galin sababi karta, sida ay sheegeen, khatar hor leh oo ka timaada dhanka burcad badeeda Soomaalida.
Howl-galkan la dagalanka burcad badeeda oo ay hor boodayaan dalalka sida aadka ah u taageera Soomaaliya, ayaa billawday sanadkii 2008, markaas oo ay xowli ku socdeen weerarada burcad badeeda ay ka geysanayaan badweynta hindiya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments