Dowladda Turkiga oo deyn ka bixineysa Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Turkey Rajab Dayib Ordugan ayaa ka bixinaya Soomaaliya lacag deyn ah oo lagu leeyahay.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Turkiga oo deyn ka bixineysa Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya waxaa ay ka Caawinaysaa sidii ay isaga gudi laahyd lacagaha Daymaha ah ee lagu leeyahay, waxaana Madaxaweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan uu saxiixay warqad Soomaaliya looga bixinayo lacag gaarysa $2.72 Milyan oo Dollar.

Rejab Dayib Ordugan ayaa mas’uuliyiinta waxaa uu amray in ay lacagta sida ugu dhqsiyaha badan ugu shubaan Ha’adda lacagta adduunka, taasi oo Soomaaliya ku leh lacag aad u farabadan oo dayn ah.

Dowladda Turkiga ayaa waxay ka kaalmeeneysa dowladda Soomaaliya 9 kii sano ee u dambeeyay dhinacyada abaarha, ciidamada, dhismaha xafiisyada dowladda, waddooyinka iyo tababarrada shaqaalaha, waxaana markan madaxweynaha Turkiga uu ku dhawaaqay in deyn cafinta Soomaaliya uu qeyb ka qaato isagoo lacagaha deymaha ah ee lagu leeyahay Soomaaliya qeyb kamida uu bixinayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.