Turkiga oo walaac ka muujiyay xaaladda Soomaliya

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa dhankeeda tilmaantay walaaca ay ka qabto xaaladda uu ku sugan yahay waddanka Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Turkiga oo walaac ka muujiyay xaaladda Soomaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Turkiga oo kamida dowladaha ka caawiya dhinaca milatariga iyo gargaarka dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xaaladda adag ee maanta uu marayo dalka Soomaaliya taas oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Qoraalkan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ay ka walaacsan tahay dib u dhaca iyo khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya, waxaana ay baaq u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyadu ay wada hadlaan, wax walibana ay xaliyaan, iyagoo ku salaynaya heshiskuu 17-kii September 2020. Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la qabto doorasho aan daah ku jirin!

Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga halkan ka akhriso:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.