Dowladda Djibouti oo Ciidamo Dheeraad ah usoo diraysa Soomaaliya

Djibouti (KON) - Dowladda Djibouti ayaa qorsheynaysa in Ciidamo Dheeraad ah usoo dirto dalka Soomaaliya, si ay u jiijiso Kun (1,000) Askari oo kaga sugan Gobolka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online
Dowladda Djibouti oo Ciidamo Dheeraad ah usoo diraysa Soomaaliya

Maxa'uud Cali Yuusuf, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Djibouti ayaa shaaciyay in dalkiisa uu Hal battalion oo Ciidamo ah usoo dirayo Soomaaliya Sagaal Boqol & Konton (950) Askari Labad Bilood ee soo socota, kuwaasi oo ku biiri doona Ciidamada kale ee dalkaasi ka socda ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

"Waxaan go'aansanay inaan xoojino Ciidamadeena jooga bartamaha Soomaaliya, waxaana soo diraynaa 2 Bilood ee soo socota 950 Askari oo tagaya Degmooyinkii dhawaan laga saaraya Kooxda Al shabaab ee Beledweyne & Buulo Burde Gobolka Hiiraan," ayuu yiri Maxa'uud Cali Yuusuf.

Ciidamada Djibouti waxa ay qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM kaasi oo ka kooban Labo & Labaatan Kun (22,000) oo Askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, Sera Leon oo tan iyo 2007 ka howlgalaya Koonfurta & Bartamaha dalka Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho