Dowladda oo xirtay Idaacado & Agaasiimiyaal ka howlgala Muqdisho {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Ciidamada Nabad Sudiga ee DFS ayaa Saakay & Xalay Hawada ka saaray Labo Idaacadood oo kamid ah Idaacadaha madaxa-banaan ee ka howlgala Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Dowladda oo xirtay Idaacado & Agaasiimiyaal ka howlgala Muqdisho {Dhageyso}

Burhaan Diini Faarax oo ah Agaasime Kuxigeenka Radio Kulmiye, ayaa sheegay in Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay Amartay in Idaacada Hawada laga saaro, waxaana sidoo kale Xarunta Hay’adda Nabadsugida looga yeeray Maamulka Idaacada Kulmiye.

Sidoo kale, Ciidamo ka tirsan Dolwladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gudaha u galey Xalay xarunta Raadiyaha SIMBA ee Muqdishu, waxaana Mas'uul ka tirsan Idaacadaasi u sheegay in Ciidanka ay horay u qaateen qaar ka mid ah qalabka Idaacadu ku howlgaleysay.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa Xabsiga dhigay Agaasimiyaasha Idaacadaha Radio Muqdisho & Kulmiye, C/raxiin Ciise Cadow & Cusmaan Guure, waxaana loo xiray inay Idaacadahooda biihiyeen VOA oo sii daysay Codka Afhayeenka Al shabaab Cali Dheere.

Ilaa hada lama oga ujeedka Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay u xireen Warbaahinta SIMBA & Kulmiye, balse Warar KON ay heshay ayaa sheegaya in Sababtu ay tahay inay Labada Idaacad ay Xalay baahiyeen Hadalka Afhayeenka Al shabaab Cali dheere ee uu uga hadlayay Geerida Godane & Hogaanka cusub.

DFS waxa ay sidoo kale horay u xirtay Idaacadaha Shabelle & SKY FM oo hadda qaar kamid ah Shaqaalahooda & Maamulkooda sare ay xiran yihiin, iyadoo aan wali Maxkamada lasoo taagin. Dowladda ayaa soo saartay dhawaan Amar ah in Idaacadaha aysan baahin karin Wararka Kooxda Al shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho