Dowladda Mareekanka oo beenisay Hadalkii Shabaab

Muqdisho (Keydmedia Online) - Dowladda Mareekanka ayaa beenisay war ka soo baxay Kooxda Shabaab kaasoo ahaa in ragg Shabaab ka tirsanaa oo la shaqeenaayay Mareekanka ay ku dileen Magaalada Marka ee xarunta gobbolka Shabeellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Dowladda Mareekanka oo beenisay Hadalkii Shabaab

War ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Magaalada Nairoobi ayaa waxaa waxba kama jiraan logu sheegay war ay Kooxda Shabaab ku sheegtay inay Magaalada  Marka ay ku dishay ragg u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA.-da.

Sidoo kale warkaan oo lagu baahiyay baraha Safaarada Mareekanka ee Nairoobi ayaa waxaa lagu sheegay in warkaasi uu yahay been aan raad iyo sal toona lahayn, kaasoo ay soo mala awaaleen kooxda Shabaab iyagoona baneysanaya dhiiga dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada ay ka arrimiyaan.

Kooxda Shabaab ayaa maalmo ka hor Magaalada Marka ku toogtay 3 nin oo labo kamid ah ay ku eedeeyeen inay la shaqeenayeen hay'adaha Mareekanka iyo Ingiriiska.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho