Dowladda oo G. Galguduud Gudoomiye cusub u magacowday iyo Ahlu Sunna oo ka digtay

Cadaado (KON) - Dowladda F. Soomaaliya ayaa Maantay Gudoomiye cusub u magacowday Gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Dowladda oo G. Galguduud Gudoomiye cusub u magacowday iyo Ahlu Sunna oo ka digtay

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Weheliye "Cirfo".

Xuseen Cali Wehliye ayaa Maantay laga bilaabaya Xilkiisa la wareegayo, waxaana Gobolkaas ka kala taliyaan maamulllo dhowr ah.

Gudoomiyaha Guud ee Ahlusuna Wal-jameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in aanay raali ka aheyn maamul dariishada laga soo geliyay oo loo soo magacaabo deegaanada Ahlusuna, siduu sheegay

Macalin Maxamuud ayaa sheegay inay diidan yihiin shaqsiyaad uu sheegay inay Argagixiso yihiin oo shaati kale loo geliyayin loo soo magacaabo deegaanadooda.

Ahlusuna Waljameeca ayaa maamusha qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya, sida Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Al-Shabaab.

Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) ayaa horey Guddoomiye ka ahaa degmada Afgooye, Xiligii Hogaamiye Kooxeedyada ay haysteen Dalka.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo