Dowladda Federaalka oo “Hilmaantay” Heshiiskii Garoonka & Dekedda Kismaayo?

Muqdisho (KON) - Waxaa laga Joogaa Mudo 6-Bilood ah Xiligii Magaalada Addis ababa ay Heshiiska ku wada Saxiixdeen Madax ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.
Warar Keydmedia Online
Dowladda Federaalka oo “Hilmaantay” Heshiiskii Garoonka & Dekedda Kismaayo?

Heshiiska ayaa waxaa ay Labada Dhinac galeen 28-tii Bishii Augusto, waxaana uu ka koobnaa ilaa 23 (Labaatan iyo Saddex Qodob) oo ay ugu Muhiimsanayeen in Garoonka iyo Dekedda Magaalada Kismaayo lagu Wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Lix Billood kadib.

Waxaa sidoo kale Qodobada Heshiiskaas ugu Muhiimsanaa in Maamulka KMG ah ee Jubba Mudadiisa ay gaareeyso Labo Sano.

Hadaba Maanta oo ah Maalintii Heshiiska uu ku ekaa ayaan waxaa muqan Dhaqan galka Heshiiskaas lagu galay Dalka Itoobiya oo Labada Dhinac ay wada Gaareen.

Qaar kamid ah Siyaasiinta iyo Bulshada Qeybaheeda kala Duwan oo ay Keydmedia Online la hadashay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay 'Hilmaantay' Heshiiskaasi.

Sidoo kale Horjoogaha Raas Kambooni Axmed Madoobe ayaa Magalada Addis ababa u aaday in uu Dowladda Itboobiya uu kala hadlo sidii Heshiiskaasi loo Kansali laha oo garoonka iyo Dekedda ay wali u sii heyn lahaayeen.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho