Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu maamul ku-meel-gaar ah oo jiraya muddo lix bilood loogu magacaabay gobolka Baay iyo degmada Baydhabo.
Gudoomiyihii hore Gobolka Bay Cabdifitaax Geeseey ayaa lagu badalay Cabdi Aadan Hoosow.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ayaa loo magacaabay, Ibraahim Xuseen Xasan.
Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Maamulka gobolka Bay ayaa waxaa loo magacabay, Mustaf Ibraabim Cali (Sanbuur).
Sidoo kale, waxaa wareegtada lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Baydhabo uu sii ahaanayo mas’uulkii jagadan horay u hayay, Xasan Macallin Axmed (Biikole), iyadoo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda loo magacaabay, C/qaadir Sheekh Cali Aadan (Barako), guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda, Maxamed Macallin Ibraahim (Dhalo-dheere), guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada, Sandheere Maxamed iftin iyo xoghayaha dowladda hoose ee degmada Baydhabo oo loo magacaabay Axmed Maaddeey Isaaq.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments