Dowladda oo Maantay ka shirtay Diplomaasiyiin ka socda Dalka Netherlands

Muqdisho (KON) - Mas'uuliyiin kala matalayay Hey'adaha kala duwan ee dowladda iyo Diblomaasiyiin Netherlands ayaa Maantay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Dowladda oo Maantay ka shirtay Diplomaasiyiin ka socda Dalka Netherlands

Agaasimayaal iyo Wakiilo ka kala socda qaar ka mid ah Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho diblomaasiyiin ka socda dowladda Netherlands, iyadoo laga wada hadlay sidii  iskaashi wadajir ah oo dhexmara labada dowladood loo sameyn lahaa.

Kulankani oo uu shir-gudoominayay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Avv. Hersi Haji Olosow , ayna ka qeyb ahaayeen Kuxigeenka agaasimaha guud ee  Madaxtooyada Qaranka Thabit Abdi Mohamed , qaar ka mid ah lataliyeyaasha madaxweynaha,qaar ka mid ah agaasimayaasha Wasaaradaha kheyraadka , howlaha guud ,tamarka iyo dekadaha, Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga, ayaa waxaa kala qeybgalay danjiraha Netherlands ee qaabilsan Soomaaliya Joost Reintjes iyo kuxigeenkiisa Alain Ancion.

Avv. Hersi Haji Olosow , ayaa kulankaasi kadib ka sheegay madasha in Wasaaradiisu ay xog wadaag la sameyn doonto dhammaan wasaaradaha Xukuumadda iyo Xafiisyada qaranka si loo ilaaliyo heybadda iyo dowladnimada , loona gaaro ujeedada guud ee qaranka.

Warsaxaafadeed - Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho