Dowladda Somalia” waxaan sameeynay Tira koobkii Dadka Soomaalida”

Muqdisho(KON)Wasiirka Qorsheeynta iyo iskaashiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Saciid C/laahi oo la hadlayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameeysay Tira koobkii Dadka Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online
Dowladda Somalia” waxaan sameeynay Tira koobkii Dadka Soomaalida”

Saciid C/laahi Wasiirka Qorsheeynta ayaa  sheegay in Tira Koobka Dadka lagu sameeyey Habab Casri ah oo Aalado loogu talo galay ay ku soo sameeyeen,hadana ay soo gab gabeeyeen.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Gacan siineeysay Hay’ada QM u qaabilsan Tira Koobka Dadka.

Mar la weydiiyey Wasiirka sida ay ku tageen Dhulka ay ka Taliyaan Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in ay Dadka halkaa ku nool ay Tira koobka oga soo qaadeen Satarleed oo ay ku Guuleeysteen.

“Dowladda Soomaaliya Tira koobka ay sameeysay waxay u gudbin doontaa Beesha Caalamka si loo ogaado,hadana waxaa ku socda dib u habeen iyo sixitaan”ayuu yiri Wasiirka.

Ugu danbeeyn  waxaa uu sheegay  Wasiirka Qorshenta in Qorshahaan Tira koobka uu Fududeeyn doono Doorashada 2016 ee lagu wado in ay Soomaaliya ka dhacdo.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho