Dowladda Turkiga oo Qunsul geysan doonta Magaalada Hargeysa

Hargeysa (KON) - Danjiraha Dalka Turkiga ee Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Torun oo Magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in dowladdiisu ay Qusuliyad ka furanayso Magaalada Hargeysa.
Warar Keydmedia Online
Dowladda Turkiga oo Qunsul geysan doonta Magaalada Hargeysa

Danjiraha Dalka Turkiga ee Soomaaliya oo ku sugan Hargeysa ayaa booqday goobo ay ka socdaan Mashaariic ay Maalgeliso dowlada Turkiga.

Wafdiga Safiirka ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulkaas, Maxamed Biixi Yoonis.

Kulankaan ayaa looga hadlayay Wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo uu hakad ku yimid, sidoo kale Safiirka ayaa booqday goobo ay ka socdaan Mashaariic ay Maalgeliso dowlada Turkiga oo uu kamid yahay Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Kamaaludiin Kani Torun ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ku dadaali doonto sidii losii wada lahaa Wadahadaladii u bilowday Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Torin ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay dhawaan ka furi doonto Magaalada Hargeysa Qunsuliyadii ugu horeysay, wax ka qaban doontanah Howsha ay heyso Safaaradda Turkiga ee Caasimadda Dalka, Muqdisho.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo