Dowladdu waxay heshay digniino Qaraxa

Waxaa goor dhaw lagu shaaciyay baraha bulshadu ku xiriirto waraaq Digniin ah oo tilmaameysa in maqaaxida dadka badani ku dhinteen ee Luul Yemeni la qarxin doono!

Warar Keydmedia Online
Dowladdu waxay heshay digniino Qaraxa

MUQDISHO, Soomaaliya - Maqaayadda Luul Yemeni oo ku taal degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ayaa xalay qarax lala eegtay, illinka hore ee maqaaxida ayaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay la dhigay kaddibna halkaas lagu qarxiyay iyadoo dad ka badan 20 ruux oo dhammaantood ahaa shacab ay halkaas ku geeriyoodeen, tiro kale oo intaa kabadana ay ku dhaawacmeen.

Haddaba waxaa goor sii horreysa la shaaciyay in Taliska Booliska qeybta gobolka Benaadir uu hayay farriimo muujinaya digniin ku socota iyaga taasoo loogu sheegay in maqaaxida Luul Yemeni la qarxin doono, waraaqda ayaa ku taariikheysan 23 January, waxayna u muuqataa mid xilli hore la qorsheeyay digniinta iyo qaraxa kooxda Argagaxisada.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku dhaliilay waq-qabad la'aanta ciidanka Booliska, isagoo sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada loo geystay shacabka iyo sida ay uga war hayeen laamaha ammaanka gobolka Benaadir, loona diray digniin muujinaysa in qarax kusoo fool leeyahay maqaaxida.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka xukuumadda Soomaaliya horayna u ahaa madaxweyne ku xigeenkii dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi ayaa bartiisa Facebook -ga kusoo qoray shalay digniin qarax lala damacsan yahay magaalada Muqdisho kaasoo ay soo abaabuleen kooxda Al-Shabaab, farriinta ayaa kor waxaa kaga qornaa digniin amni oo ka timid UN -ka, waxaana lagu sheegay in inta u dhaxaysa 5-8 bishan la filanayo qarax gaari oo xoog leh, kaasoo lagu sheegay meelaha bar-tilmaameedka ah in ay kamid tahay Villa Somalia, Wasaaradda Batroolka, xarunta Immigration iyo meelo kale. Agaasimaha ayaa farriintaas ka saaray boggiisa 11 daqiiqo kaddib.

Khamiistii ayay ahayd markii Keydmedia Online baahisay xog sheegeysa in Muqdisho ay qarxyo ka dhici doonaan, shanta ilaa Siddeedda bishaan.

Hay'adaha UN-ka, saraakiisha dowladda iyo kooxda Argagaxisada ah ee fulisa qaraxyada waxaa ka dhaxeeya xiriir, sababtoo ah inta badan qaraxyada inta aysan dhicin waxaa la helaa xog ku saabsan qaraxa iyo halka loo wado, inkastoo mararka qaar la sheego meelo kala duwan oo ay kamid tahay halka qaraxa loo wado.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.