Dr. Buurane oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Dr Xasan Cismaan Ciise ‘Buurane’, oo ahaa dhaqtarka ugu caansan dalka, ee daweeya cudurada ku dhaca maqaarka ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Dr. Buurane oo lagu dilay magaalada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxo hubeysan  ayaa goordhaw xaafada Al- barako ee degmada Hodan ku dilay  Dr Xasan Cismaan Ciise, loona yaqaannay Buurane, oo ahaa dhakhtar ku takhasusay cudurarada ku dhaca Maqaarka.

Allaha u naxaristee, Dr. Buurane, ayaa lagu ag dilay goob u dhow, xaruntiisii shaqo oo ku taalla agagaarka baar Ceynu-shamshi, waxaana rasaas la dhacay koox bastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la garanayn.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxatay goobta, lamana garanayo sababta loo dilay Dr Xasan Cismaan, oo aad looga jeclaa magaalada Muqdisho.

Dr. Buurane, ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirta aan dalka ka bixin 30-kii sano ee burburka, wuxuuna safarro u aadi jiray gobollada, si uu ula tacaallo bukaannada qaba xanuunka maqaarka ee aan imaan karin caasimadda dalka oo xarun u ahayd.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.