Dr. Fuursade oo Iska Casilay Xilka Agaasimaha Madaxtooyada

Agaasimihii madaxtooyadda Dr. Nuur Diiriye Fuursade ayaa xilka iskaga tagay kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga maanta.

Warar Keydmedia Online
Dr. Fuursade oo Iska Casilay Xilka Agaasimaha Madaxtooyada

Agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Fuursade ayaa isaga tagay shaqada Madaxtooyada, kadib qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. 

Fuursada ayaa shaqada agaasimaha kala wareegay Dr. Aamina Saciid sanad ka hor, wuxuuna noqonayaa agaasimihii shanaad ee xilkaas ka tagay muddo saddex sano iyo bar ah. Lama garanayo sababta keentay in uu iskaga tago, balse ilo ku dhow madaxtooyada ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in Dr. Fuursade shaqada iskaga magacownaa oo aan waxba lala socodsiin jirin. 

Dr. Fuursade ayaa asbuucyadii la soo dhaafay xusulduub ugu jiray xilka Ra'isul Wasaare in uu qabto kadib markii Baarlamaanka uu si sharci darro ah xilka uga tuuray RW hore ee Xasan Kheyre.

Dad ku dhow Dr. Fuursade ayaa Keydmedia u xaqiijiyay in uu dalka iskaga huleelay, oo uu qabtay dalka Canada, halkaas oo uu markii hore ka yimid.

Dr. Fuursade ayaa ah khabiir aad ugu xeeldheer teknoolajiyadda casriga, kana heysta shahaadada Ph.D., ahaana ninkii ugu horeeyay oo Soomaaliya keena aaladda kumbiyuutarka bartamihii 1980-yadii. Wuxuu ahaa milkiilihii mac'hadka Fuursade Computers. 

Waxaa lagu xasuustaa in uu dajiyay qorshihii iyo mashruuca aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed, oo dowladda Bakistaan iyo Baanka Adduunka ay maaliyad bada ugu deeqeen, balse markii dambe uu wajahay caqabado siyaasadeysan oo kaga timid dhanka RW hore Xasan Kheyre.

Dr. Fuursade ayaa noqonaya Agaasimihii shanaad ee loo magacaabay xilka Agaasimaha madaxtooyada, tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo February 2017, waxaana xusid in Dr Fursade uu ka mid ahaa shaqsiyaadka saaxiibka dhow la ahaa madaxweyne Farmaajo.

Keydmedia Online ayaa hore warkaan soo qortay inta uusan Dr. Nuur Diiriye Fuursade uusan xaqiijin. 

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.