Dr. Dufle oo beddelay Tarsan

Muqdisho (KON) - Duqa Muqdisho ahnah Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Maantay lumiyay Kursigiisa uu Baarlamaanka ku lahaa, waxaana booskiisa lagu badalay Dr. Cusmaan Xaaji Maxamuud Nuur (Dufle).
Warar Keydmedia Online
Dr. Dufle oo beddelay Tarsan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa fadhigii Maanta ee lagu Ansixiyay xukuumadda cusub ka sheegay inuusan Tarsan sii ahaan karin xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isagoo ah duqa magaalada Muqdisho.

Prof. Jawaari ayaa hore ugu baaqay Guddoomiyaha gobalka Banaadir in muddo bil ah uga soo qaybgalo fadhiyada Baarlamaanka taasoo dhici waysay.

Tarsan ayaa beeshiisa ka dhigeen Xildhibaan laakiin ma uusan hor iman Baarlamaanka si loo dhaariyo, isla markaana ma uusan ka qeyb-galin kulamadii uu yeeshay baarlamaanka.

Dr. Dufle oo ah dhaqtar, isla markaana bare jaamacadeed ka ah magaalada Muqdisho ayaa xilal kala duwan wuxuu horey uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray wixii ka dambeeyay 1990, wuxuuna mar wasiir ku xigeen caafimaad ka noqday dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Dr. Dufle ayaa si fiican looga yaqaanaa Dalka iyo Dibadaba.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho