Drone ku soo dhacday Gobolka Mudug

Gaalkacyo (Keydmedia) - Diyaarad nuuca aan Duuliye wadin oo lagu Magacaabo Drone ayaa ku soo dhacday Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug.
Warar Keydmedia Online
Drone ku soo dhacday Gobolka Mudug

Diyaaradani oo laga hago Maraakiib Dagaal oo xeebta taagan ayaa la sheegay iney ku guda jirtay howlo basaasid ah dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad badeedka ee degaanka ka howlgalo, kuwaasoo Maraakiib iyo shaqaale ku heysta xeebta degmada ayaa burburkeeda laga helay tiyoo badu soo tuftay.

Burburka diyaaradan ayaa ku soo beegmeysa xili la sheegay in markab kuwa dagaalka ah oo ay leedahay dawlada Mareykanku in uu ka soo ruqaansaday dhanka Suez Canal.

Burcad ayaa Xaradheere ku heysata tiro dad ah oo la socdey maraakiib dhawaan la afduubay iyo weriye Mareykana oo dhawaan isna lagu afduubtay gudaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo la sheegay in loo qaaday degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.