Drones lagu weeraray Saldhigyo Al-Shabaab

Drones ayaa xalay duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Warar Keydmedia Online
Drones lagu weeraray Saldhigyo Al-Shabaab

Waxaa Xalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe duqeymo dhanka cirka oo loo isticmaalay 'Drones', kuwaas oo lala beegsaday Saldhigyo Kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka. 

Wararka ayaa sheegaya in lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab duqeyntii xalay dhacday. 

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday Jubbada Dhexe, waxaana la sheegay in halkaas lagu burburiyey xarun Kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka gobolkaasi, waxaan la sheegay inay duqeyntaas ku dhinteen dagaalamayaal ku sugnaa xeradaas.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.