Drs Aamina:

AMISOM way noo diiday inaan u Gurmano Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa

Warar Keydmedia Online

Muqdisho (KON) - Mid kamid ah Howlwadeenada Caafimaadka ee Isbitaalka Xaawo Cabdi, ayaa sheegtay in Ciidanka AMISOM u diideen Shaqaalo Caafimaad inay u gurmadaan Dadkii ku baaba'ay Weerarkii Ismiidaamin ahaa ee Shalay ka dhacay Duleedka Muqdisho.

AMISOM way noo diiday inaan u Gurmano Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa

Drs Amiina Aadan, ayaa sheegtay in markii uu Qaraxa dhacay ay Shaqaale Caafimaad u direen Goobta si ay Gurmad ugu sameeyeen Dadkii Shacabka ee ku baaba’ay Qaraxa, balse Ciidamada AMISOM ay is-hortaag ku sameeyeen. “Goobta Qarax uu dhacay waxaa xiray Ciidamada AMISOM, ma jirin Cid Gurmada u samayn kartay Dadka Masiibada ku dhacday, aniga waxaa kamid ahaa Howlwadeenada Caafimaad ee tagay si aan usoo qaadno Dhaawaca u baahan Gargaarka Caafimaad, mudo kadib baa naloo faxaya markii aan aniga la hadlay Ciidanka oo u sheegay inaa Dhakhaatiir nahay,” ayay tiri Drs Amina. Drs Amiina Aadan, ayaa sheegtay in Nolosheeda intii ay kusoo guda jirtay Howsha Caafimaadka aysan arkin Masiibo lamid ah tiii shalay ka dhacday Deegaanka Xaawo Cabdi oo Labo Gaari oo Shacab siday ay Al shabaab qarax Ismiidaamin ahaa oo la eeganayeen AMISOM la kulmay. “Noloshayda ma arag Xaalad Gubasho oo heerkaasi gaartay, waxaan arkay Dadka gubtay oo Danbas noqday, waxaa u badnaa Dadkii ku dhintay Qaraxa Caruur & Haween Safar ahaa,” ayay tiri Drs Amina oo ka warbixinaysay wixii ay kusoo aragtay Goobta Qaraxa. Khasaaraha Dhimashada ayaa waxay gaartay markii danbe 20 Qof, kuwaasi oo la socday Labo gaari oo Nooca Homy/Caasiga loo yaqaano, waxaan Mas’uuliyadda Weerarka sheegtay Al shabaab oo ku tilmaamay mid ay ugu aargudayeen Dilkii Axmed Godane oo Mareykanka Duqeyn ku dilay Todobaadkii tagay. Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho