Dubba oo ka hadlay qoraal kasoo baxay Imaaraadka

Maamulka Farmaajo ayaa ku fashilmay siyaasadda arrimaha dibadda, iyadoo uu la colloobay dalalkii xiriirka taariikhi ah kala dhaxeeyay Soomaaliya iyo kuwa deriska la ah.

Warar Keydmedia Online
Dubba oo ka hadlay qoraal kasoo baxay Imaaraadka

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa falcelin ka bixiyay qoraal shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka, kaasoo looga hadlay dagaalkii ka dhacay Muqdisho.

Wuxuu ku tilmaamay qoraalka mid mugdi gelinaya midnimada Soomaaliya, maadaama aysan Imaaraadka aqoonsanayn inay dowladda rasmi ah ka jirto dalka, iyadoo ku tilmaamay maamulka Farmaajo mid KMG ah.

“Qoraalka Imaaraadka waxuu cadeynayaa in ay qeyb ka ahaayeen dibindaabyada sanadihii lasoo dhaafay lagu haayay Soomaaliya, taasoo si cad uga hor-imaaneysa qeynuunka Caalamiga ah, waxaan waqtiga loo baahdo iyadoo cadeymaheeda wadata usoo bandhigi doona hay’adaha qusyeso," ayuu yiri Dubbe.

Imaaraadkd ayaa adeegsaday kelmadda Kumeelgaar mar uu ugu baaqayay dowladda iyo Mucaaraadka inay heshiis ka gaaraan khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, kuwaasoo salka ku haya doorashadda.

Imaaraadka waxaa loolan adag kala dhaxeeyaa Qatar oo Fahad Yaasiin uga wakiil ah arrimaha Soomaaliya, islamarkaana awood badan ku leh dowladda uu hogaaminyo Farmaajo, taasoo waqtiga ka dhamaaday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.