Dubbe oo uga digay Kenya in ay geysato duqeyn aysan soo sheegin

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa dowladda Kenya uga digay in ay geysato duqeymo aysan lasoo socodsiin dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM

Warar Keydmedia Online
Dubbe oo uga digay Kenya in ay geysato duqeyn aysan soo sheegin

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shir jaraa'id ku qabtay dhawaan gudaha wasaaradda warfaafinta waxa uu farriin toosa u diray dowladda Kenya, isagoo uga digay in ay duqeymo ka geysato gudaha dalka Soomaaliya.

Dubbe ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday gobolka Gedo kaasoo lagu laayay dad badan oo shacab ah, isagoo uga digay dowladda Kenya in ay geysato duqeymo aysan lasoo socodsiin dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

"Kenya waxaanu u sheegeynaa in aysan kusoo xad gudbin hawada Soomaaliya, waxaan kaloo u sheegeynaa in aysan fulin duqeyn dambe oo aysan la socodsiin dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM" ayuu yiri wasiirka warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya.

Wasiirka oo si hoose u weeraraya mucaaradka Dowladda ayaa yiri "Arrinta ciidamada Eratariya waxaa looga dan leeyahay in lagu qariyo weerarrada Kenya ay ka geysaneyso dalkeena gaar ahaan gobolka Gedo" isagoo mucaaradka ku eedeynaya in ay qarinayaan tacaddiyo dowladda Kenya ay ka geysaneyso Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 9:22

Qoorqoor ayaa la filayaa inuu dhawaan soo saaro liiska musharixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, waxaaa lasoo warinayaa inuu durba cagta saaray jidkii uu maray Lafta-gareen.