Dufaan kale oo kusoo wajahan Barriga

Duufaanta ayaa laga cabsi qabaa in saameyn weyn ay reebto.

Warar Keydmedia Online
Dufaan kale oo kusoo wajahan Barriga

Maamulka Puntland ayaa ka digey duufaan kale oo kusoo wajahan deegaannada maamulkaasi, taasi oo loogu magac daray Burevi, wuxuuna maamulka sheegay sidoo kale iney suurtagal tahay in duufaantan kusoo wajahan tahay badweynta India.

Duufaantan ayaa sidoo kale waxaa la socda sida digniinta lagu sheegay Roob xooggan oo waxyeello u geysan kara dadka ku sugan deegaannada Puntland.

Wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo isbedalada cimilada ee Puntland oo warkaan soo saartay ayaa dhanka kale waxay si gaar ah ugu digtay Kalluumeysatada iyo dadka deggan nawaaxiga xeebaha.

Duufaantii Gati ayaa saameysay Puntland, waxaana hantidooda ku waayey ku dhowaad 70,000 oo qoys, iyadoo welina aanay kasoo kaban.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.