Duleedka Muqdisho iyo duqeyn qasaaro sababatay

Wararka Saakay laga helayo deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho gaar ahaan Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi xalay ay ku dhacday Madaafiic sababtay qasaaro sababtay dhimasho iyo dhaawac
Warar Keydmedia Online
Duleedka Muqdisho iyo duqeyn qasaaro sababatay

Madaafiicda ayaa ku dhacday Deegaanka KM13 oo ka mid ah Deegaanada sida weyn loogu barakacay waxaana ku dhintay Madaafiicdaasi 3 qof oo ka mid ah dadka barakacayaasha iyadoona ay ku dhaawacmeen 15 Ruux oo kale.

Dhamaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa ay ahaayeen seddex qoys oo daris ah kuwaa oo daganaa Guryo Cawshado ka sameysan oo ku yaala deegaankaasi.

Duqeyntan ayaa ka danbeysay kadib markii kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ay Madaafiic ku tuureen fariisin AMISOM ay ka sameesteen Degmada Dharkeyley gaar ahaan deegaanka Xoosh.

Inta badan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ayaa waxa ay madaafiic ka soo dhex tuuraan goobaha shacabka ay ku badan yihiin waxaana mid ka mid ah hogaamiyasha kooxahaasi oo lagu Magacaabo Xasan Daahir Aweys uu sheegay in ay yihiin Sida Kalluunka aanu biyaha uga maarmin ay iyana shacbka uga maarmin taasina ay tahay sababta ay inta badan shacabka ugu dhex jiraan.

www.keydmedia.net