Duleedka Muqdisho iyo Gaadiidley Cabaneysa

Gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa xiligan waxa ay muujinayaan cabasho aad u balaaran oo ku aadan dhibaatooyin la soo darsay qaab howleedkooda
Warar Keydmedia Online
Duleedka  Muqdisho iyo Gaadiidley Cabaneysa

Cabashadan ayaa waxa ay timid kadib markii kooxda uu hogaamiyo Xasan Daahir ee ka talisa Deegaanadaasi, Cabashada ugu badan ayaa xiligan waxa ay ka jirtaa  deegaanka ceelasha biyaha waxaana dhalinyaro hubeysan  ay ku amrayaan darawlada in aanay rakaabka ka qaadi karin meel aan aheyn boosteejada.

"Dadka waxa ay gaadiidka ka raacaan hadaba meesha ay taagan yihiin oo ma ahan kuwa soo tiigsada boosteejada tanina waxa ay keeni kartaa dhibaato dhaqaale oo na soo wajahda, waayo ciidamadan nagu amraya in aanan shacabka ka qaadi karin meel aan boosteeja aheyn kuwa ay isku dhan yihiin waxa ay lacag nooga rabaan siinka dheer halka Ex-koontarool ay ciidamada Dowlada lacaga kale nooga qaadaan" sidaa waxaa yiri Cabdi Mataan oo ah darwal ka shaqeeya wadadaasi.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dhalinyarada hubeysan ay karbaash la dhacaan xiliyada qaar darawalada isku daya in ay ka rakaabsadaan meel aan aheyn goobta loo asteeyay oo ah isgoyska ceelasha biyaha .

www.keydmedia.net