Dulmiga Ciidanka Kenya oo laga diiday Gedo

Dowladda Farmaajo ayaa laga dalbaday inay Tallaabo ka qaado Ciidanka Kenya.

Warar Keydmedia Online
Dulmiga Ciidanka Kenya oo laga diiday Gedo

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Waxaa maalintii 3aad oo xiriir ah ka socda Ceel-Waaq, Beled-Xaawo iyo Garbahaarey banaanbaxyo ka dhan ah Ciidanka Kenya.

Dadka dhigaya dibadbaxa ayaa cadow ku tilmaamay Ciidanka Kenya kadib markii saddex qof ay ka afduubeen tuuladda Yado oo Ceel-Waaq ku dhaw, iyagoo mid kamid ah inta dileen kadibna meydkiisa kusoo tuurey degaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.