Dumarku kaalin muuqata kuma lahan doorashooyinka Somaliland

Dhawaan waxaa lasoo gabagabeeyay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo wakiilada, dumarka ayaan helin codad badan, 82 kursi ayey ku guul darreysteen in ay mid ka helaan.

Warar Keydmedia Online
Dumarku kaalin muuqata kuma lahan doorashooyinka Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya – Dhawaan waxaa doorashooyin ay ka dhaceen degaannada maamulka Somaliland, inkastoo doorashadu ahayd mid qof iyo cod ah, haddana waxaa la tilmaamay in dumarku aysan kaalin muuqata ku lahayn doorashooyinkaasi.

Khadiija Axmed Yuusuf oo ka socota Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa loo doortay guddoomiyaha degmada Buuhoodle, qeybta ay maamusho Somaliland.

Waa haweenayda kaliya ee guddoomiye ka noqotay xubnihii cusbaa ee goleyaasha deegaanka dhawaan loo doortay degmooyinka maamulkaasi. Khadiija ayaa loo doortay guddoomiyha degmada lagu muransan yahay, inkastoo ay horay u sheegtay Puntland in aysan ka dhicin wax doorasho ah, islamarkaana ay ka tirsan tahay dhulka ay iyadu maamusho.

Lix degmo oo ah caasimadaha lixda Gobol ee Somaliland ayaa sidan loo kala helay Xisbiyada mucaaradka ah iyo muxaafidka kuraasta guddoomiyeyaasha degmooyinka Somaliland.

  1. Degmada Laascaanood  waxaa ku guuleystay xisbiga mucaaradka ee Waddani.
  2. Degmada Ceerigaabo waxaa ku guuleystay xisbiga mucaaradka ee Waddani
  3. Degmada Burco waxaa iyana ku guuleystay xisbiga mucaaradka ee Ucid
  4. Degmada Berbera oo iyana loo saadaalinayay in xisbiyada mucaaradka ayaa waxaa helay Xisbiga talada haya ee Kulmiye
  5. Degmada Hargeisa waxaa si rasmi ah ugu guuleystay xisbiga Wadani
  6. Degm Boorama waxaa ku guuleystay guddoomiyaha degmada xisbiga Waddani

Inta badan dumarka Soomaaliyeed ayaa waxay ka cabanayaan xuquuq ka maqan sida ay leeyihiin, waxayna ku eedeenayaan maamullada ka jira degaannada ay doorashooyinku ka dhacaan in aan la tix galin waxa loo yaqaan Qoondada haweenka.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.