Duqa Muqdisho oo la kulmay Xildhibaanada Beelaha Hawiye

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanada labada Gole ee Beelaha Hawiye ayaa xalay ka shiray metelaada 13 kursi ee gobolka Banaadir. 

Warar Keydmedia Online
Duqa Muqdisho oo la kulmay Xildhibaanada Beelaha Hawiye

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed 'Cumar Filish ' ayaa xalay kulan casho ah u sameeyay Xildhibaannada labada Gole ee Beelaha Hawiye.

Dood kulul ayaa dhex martay Xildhibaannada oo ku saabsan arrinta kuraasta 13-ka Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo horay u meel mariyay Golaha Shacabka oo aan lagu soo darin heshiiskii siyaasadeed ee doorashada.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inay ka gaabiyeen dhaqan gelinta 13 kursi oo aan haba yaraatee heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo heshiiskii Muqdisho aan lagu soo hadal qaadin.

Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyay kuraasta 13-ka in maanta oo Axad ah laga ansixiyo Labada Gole ee Baarlamaanka oo wadajir ugu balansan ansixinta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada 2020/21.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan Baarlamaanka ka codsaday in gobolka Banaadir 13-kursi laga siiyo Aqalka Sare, balse waxaana jirin dadaal intaas ka badan oo ah dhaqan gelinta kuraastaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.