Duqa Magaalada Minneapolis oo kulan la galay Ururo Soomaali

Minneapolis (Keydmedia) - Duqa Magaalada Minneapolis Roymond Thomas oo mantay kulan la yeeshay Ururo ay leeyihiin Dadka Somaalida ee ku dhaqan Gobolkaan, ayaa waxaa la iskula soo qaday arimo badan oo ay ka mid aheyd Xaalada Xawaladaha Soomaalida ee Gobolkaan Minnesota.
Warar Keydmedia Online
Duqa Magaalada Minneapolis oo kulan la galay Ururo Soomaali

Kulankaan oo daba socday kulamo badan oo ay horay iskugu hor faristeen Ururada u ola'oleeya Jaliyada Somaliyeed ee Gobolkaan Minnesota, ayaa waxaa laga wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa arimo badan oo ay ugu horeesay arinta ay Dhawaantaba Qeyladda badan ka tagneed ee arimaha Xawaladaha Soomaalida Minnesota oo u muuqata mid aan xal waara walli laga gaarin.

"Kulankan ma aheyn kulankii ugu horeeyay oo an la yeelano Madaxda Gobolkan, laakiin wax uu qeeb ka yahay kulamo soo socday baryahay oo xal waara loogu radinayo Arimaha Xawaladaha"

“Duqa Magalada arimo badan ayaa u gudbinay oo ay ugu horeesay in wax laga badalo sharciyo badan oo dhawantan la dhaqan galiyay, tasina sababtay in Bankiyada khaar ay ilaaqadka ka jartaan Xawaladaheena" Sidaa waxaa Wariyaha Keydmedia ee Minneapolis u sheegay Madaxa SAMS oo ah Urrur ay ku mideesan yihiin Xawaladaha Soomaalida.

Xawaladaha Soomaalida ee Gobolkaan ayaa irdaha loo labay dhamadkii Sanadii aynu soo gudubnay, kadib markii Franklin Bank oo ahaa Bangigga kaliya oo ay isticmali jireen Xawalada Soomaalidu uu jaray xiriirkii wada shaqeenta ahaa ee kala dhaxeeyay Xawalada.

Guntii & Gunaanadkii Roymond Thomas ayaa u muujiyay rajo fiican Ururadii Kulankaas ka qeebgalay una sheegay in uu wax la qaban doono.

Keydmedia.net - Xafiiska Minneapolis