Duqeymo ka dhacay Jubbada Dhexe

Degaanno ka tirsan Goobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay ka dhaceen duqeymo xooggan oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Warar Keydmedia Online
Duqeymo ka dhacay Jubbada Dhexe

SAAKOW, Soomaaliya - Duqeytaan oo lala beegsaday xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku leeyiin degmooyinka Saakow iyo Salagle ayaa lagu burburiyay goobo ay walxaha qarxa ku farsameyn jireen, sida ay xaqiiyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheeyay in howl-galkaan ay iska kaashteen Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Danab iyo Taliska Africom oo ah Ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika.

Inkastoo Mareykanku ku dhawaaqay in uu ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya, hadana waxa ay ballan qaadeen in ayasn jooji doonin beegsiga Al-Shabaab, waxayna geysteen dowr duqeyn kadib amarkii la bixidda ciidamada ee ka yimid Madaxweynihii 45-aad ee Donald Trump.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.