Duqeymo ka socdo Deyniile

Muqdisho (Keydmedia) - Waxaa maalintii shanaad degmada deyniile ee gobalka Banaadir ka socda dagaal isu badalay duqeymo oo u dhaxeeya Amisom iyo dowlada oo is biirsanaya iyo Al-shabaab.
Warar Keydmedia Online
Duqeymo ka socdo Deyniile

Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ayaa u muuqda in ay u caalwaayeen dagaalka lugta ah isla markaana ay u weeciyeen dagaalkooda qidid kale oo duqeyn ah.

Duqeynta oo tan iyo xalay ka socotay deyniile iyo agaheeda ayaan la ogeyn qasaaraha ka dhashay waxaase la rumeysan yahay in qasaara uu jiro.

Labada dhinac ee uu dagaalka u dhaxeeyo ayaa mid walba waxa uu sheegayaa in ay ka itaal roon yihiin laakiin xaqiiqada jirta ayaa ah in dagaalka uu shacab badan saameyn ku yeeshay.

Keydmedia.net  - Xafiiska Muqdisho