Duqeyn cirka ah oo ka dhacday Galmudug

Waxay duqeynta kusoo beegmaysaa xili howlgallo militeri ka socdaan qeybo kamid ah Koonfurta Mudug.

Warar Keydmedia Online
Duqeyn cirka ah oo ka dhacday Galmudug

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyn dhanka cirka ah Maanta lala beegsaday Kooxda Al-Shabaab, oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay laga fara-maroojiyay labo degaan oo ku yaalla Koonfurta Mudug

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu taageerayay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee howlgallada dhanka dhulka ah kawada gobolka, kuwaasoo guulo ka gaarey dagaalladii ugu dambeeyay ay la galeen Kooxda Al-Shabaab.

Laguma sheegin qoraalka dalka laga leeyahay diyaaradda fulisay duqeynta, balse waxaa loo maleynayaa Mareykanka oo mudo sanado ah ka wadey Soomaaliya howlgallo cirka ah oo lagu wiiqayo awoodda Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug ayaa Bacaadweyne iyo Camaara ka sareey todobaadkan Al-Shabaab waxayna kusii siqayaan degaanno kale oo kamid ah Mudug, iyadoo Saraakiisha ay sheegeen in dhawaan si biixda ula wareegi doonaan guud ahaan gobolka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.