Duqeyn culus oo ka socota Dhuusamareeb

Magaaladda Dhuusamreeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa caawa laga maqlayaa guuxa madaafiic culus iyo is-rasaaseyn. 

Warar Keydmedia Online
Duqeyn culus oo ka socota Dhuusamareeb

DUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dagaal culus ayaa caawa ka socda gudaha iyo duuleedka Magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal. 

Madaafiic culus ayaa lagu soo garaacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada, waxaana haatan laga maqlayaa Magaaladda dhawaqa hub culus iyo madaafiic. 

Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dawladda Soomaaliya, iyo madaxda maamul gobolleedyada.

Saddex cisho kahor ayee aheyd markii Kooxda Al-Shabaab ay hoobiyayaal ku weerareen magaalada Dhuusamareeb.

Wixii kusoo kordha Warkaan kala soco bogga Wararka ee Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.