Duqeyn iyo dagaal khasaare sababay oo ka dhacday Awdheegle

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay dagaallo soo laalaabtay iyo duqeymo xooggan ka fulisay degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Keydmedia Online
Duqeyn iyo dagaal khasaare sababay oo ka dhacday Awdheegle

AWDHEEGLE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab, ayaa xalay dagaal iyo duqeyn ku mirtay degaanka Awdheegle, ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo fariisimo adag ay ku leeyihiin ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen, dadka degaanka, ugu yaraan laba jiho oo kala duwan ayay Kooxda Al-Shabaab, ka soo weerareen xalay degaanka, waxayna si ba’an ula dhaceen duqeyn sababtay khasaare xooggan oo ay ku wax yeelloobeen dad shacab u badan.

Inta la hubiyay shan qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad labaatan kalena way ku dhaawacmeen dagaallada iyo duqeymaha ka dhacay Awdheegle, oo qiyaastii 70Km dhanka Koofur galbeed ka xiga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Inta badan hoobiyayaasha ayaa ku habsaday guryo ay deganaayeen dad shacab ah, waxaana jira tiro hoobiyayaal ah oo ku dhacay gudaha mid ka mid ah xeryaha ay ciidanku ku leeyihiin Awdheegle.

Lama oga khsaaraha gaaray ciidanka Dowladda, hayeeshee, waxa ay ku guuleysteen, in ay Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka, soo qaadday ka saaraan magaalada, waxaana hadda degen xaaladda degaanka.

Kooxda xiriirka la leh l-Qaacida, ee Al-Shabaab, ayaa weerartay magaalada bishii Abriil, halkaas oo ay ku dileen tobanaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga, waana weerarkii ugu dhimashada badnaa sanadkan soo gaara Ciidanka Qalaba Sida.

Sida aan dhawaan baahinnay, Khilaaf u dhaxeeya Taliska Ciidanka xoogga dalka iyo midka AMISOM ayaa dhabarjab ku noqday howlgal militeri oo 23-kii bishii May ka billowday gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage iyo taliyaha AMISOM Lt. Gen. Diomede Ndegeya ayaa isku khilaafay qaabka loo fulinayo howlgalka oo ahaa mid ballaaran oo la doonayay in Al-Shabaab looga saaro gobollada Shabeelooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.