Duqeyn qasaaro sababtay oo muqdisho ka dhacday

Muqdisho(keydmedia) Ciidamada Amisom ee taageera dowladda kmg ah ayaa xalay gudaha Muqdisho ka geestay duqeymo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Warar Keydmedia Online
Duqeyn qasaaro sababtay oo muqdisho ka dhacday

Duqeymaha ayaa ku dhacayay degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Wardhiigley oo dhamaantood xiliga duqeymaha ay ku dhacayeen aanay ka jirin wax dagaala ah oo sababi karay duqeymo in laga fuliyo.

Inta la hubo waxaa geeriyooday 5 ruux oo rayid ah iyagoona 3 ka mid ah shanta ruux oo ahaa isku qoys ay ku dhinteen xaafadda xararyaale oo ka tirsan degmada wardhiigley, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay duqeymaha in ku dhaw 10 ruux oo rayid ah.

Dadka reer muqdisho oo mar walba marti u ah madaafiic aan loo meel dayin ayaa hadana waxaan jirin cid dhabarka u ridata mas’uuliyadda dhibaatada shacabka gaareysa.

www.keydmedia.net