Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo oo xilkii wareejiyay

Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan..

Warar Keydmedia Online
Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo oo xilkii wareejiyay

GAALKACYO, Soomaaliya - Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug waxaa dhawaan ka dhacday doorasho golaha deegaanka iyo Duqa cusub ee dagmada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa, waxaa xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo lagu qabtay xafladda xil wareejinta guddoomiyaha ahna duqa degmada Gaalkacyo, Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa si rasmi ah ugu wareegi doona xafiiska degmada Gaalkacyo laga billaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 11/12/2020.

Xafladda oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa jawi wanaagsan kusoo dhammaatay. Degmada Gaalkacyo ayaa markii ugu horreysay yeelatay golo deegaan iyo guddoomiye aan lasoo magacaabin oo ay xubnaha golaha deegaanku soo doorteen, waxayna cashar buuxda u noqoneysaa degmooyinka kale ee dowlad goboleedka Galmudug oo intooda badan guddoomiyayaasha xafiiska degmooyinka ku jooga magacaabis, wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug ayaa goob joog ka ahayd doorashadii dhacday toddobaad ka hor taasoo Cabdiraxmaan uu ku soo baxay.

Mas'uuliyiinta cusub ee xilka la wareegay ayaa talo ahaan loo soo jeediyay in ay ka shaqeeyaan amniga, iyagoo kaashanaya hay'adaha amniga ku shaqada leh ee ka howl gala magaalada Gaalkacyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.