Duqii waqooyga Degmada Galkacyo oo is casilay

MUDUG(KEYDMEDIA) Waxaa maanta shaaca ka qaaday inuu is casilay duqii degmada Galkacyo dhankeeda Waqooyi ee hoos tagi jiray maamulka C.raxmaan Faroole oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan.
Warar Keydmedia Online
Duqii waqooyga Degmada Galkacyo oo is casilay

Mr C/raxmaan ayaa la sheegay in is casilaadiisu ay ka danbeysay kadib markii muran uu soo kala dhex galay C.raxmaan Faroole, waxaana wararku ay sheegayaan in duqa uu ka carooday talaabooyinka ciidamada PS-ta ee ka amar qaata Faroole maamul ahaana hoos taga Itoobiya iyo maraykanka ay ku xireen danyarta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaasi.

Is casilaadan ayuu ka sheegay C.raxmaan maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana tani ay ku soo beegmeysaa xili kol hore saraakiil iyo madax ka tirsaneed maamulkaasi ay is casileen kadib markii ay fahmi waayeen qaab dhaqanka maamulka uu hogaamiyo faroole.

Www.keydmedia.net