ENG Saalixi oo ku geeriyooday Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guleed (Khadar) ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida AUN ENG Maxamed Cumar Saalixi oo maanta magaalada caasimadda.

Warar Keydmedia Online
ENG Saalixi oo ku geeriyooday Muqdisho

MUQDISHO Soomaaliya - Sida uu xaqiijiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed, waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Eng: Maxamed Cumar Saalixi, oo ahaa khabiir aqooon mug leh u lahaa cilmiga badaha.

AUN, ING Saalixi, wuxuu ka mid ahaa guddiga dowladda Soomaaliya ku matalayay dacwada badda dalkeenna ee Kenya galisay muranka, taas oo taalla Maxakamadda Cadaaladda Caalamka ee (ICJ), wuxuuna Madaxtooyada Soomaaliya u qaabilsanaa la taliyihii arrimaha badda.

Maxamed Cumar Saalixi, waxaa loo tixgaliyaa inuu ahaa qofka Soomaaliya oo dhan ugu aqoonta badan, marka laga hadlo (Continental Shelf) arrimaha qalfoof badeedka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa shaqsigii ilaaliyay keydka macluumaadka iyo xogta badda Soomaaliya, markii dalka laga raacdeeyay nidaamkii Kacaanka 1991.

Murxuumku, wuxuuna ahaa masuulkii soo jeediyay hadalkii gunaanadka ahaa ee Soomaaliya ee gabagabada doodda labada dal ee maxkamadda ICJ, dhageysigii Maarso, wuxuuna xiliigaas kadib safarro ku marar dalal badan si uu jaaliyadaha Soomaalida xog buuxda uga siiyo kiiska baadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.