England: Arday Soomaali ah oo £185,000 ka dhacay reer UK

Cabdisalaam Daahir, oo 20 jir ah, ayaa lagu xukumay ku dhwaad labo sano oo xabsi ah, kadib markii uu aqoontiisa cilmiga kumbuyuutark u adeegsaday burcadnimo iyo dhaca xoolaha dadweynaha.

Warar Keydmedia Online
England: Arday Soomaali ah oo £185,000 ka dhacay reer UK

LONDON, UK - Cabdisalaam Daahir, oo ah arday Soomaaliyeed oo 20 jir ah, kuna takhasusay cilmiga kumbuyuutarka, kuna dhaqan Enfield, Waqooyiga London, ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu dhacay lacag dhan £185,000 oo bound.

20 jirkaan, ayaa dadweynaha u dirayay fariimo, isagoo iska dhigaya inuu ka tirsan yahay, Royal Mail, bangiyada waaweyn iyo shirkadaha bixiya adeegyada taleefannada gacanta.

Wuxuu dadka u diri jiray fariimo khiyaano maleegan ah, sida in lagu leeyahay canshuur celin, dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ku saabsan bank statements-koda iyo qodobo kale oo cabsi galin ah.

Daahir ayaa qirtay dambiga ah in uu sameeyay khiyaano isaga oo wata magacyo been ah, intii lagu guda jiray gar-maqalka dacwaddiisa, maxkamadda Crown Court ee London.

Cabdisalaam Daahir, ayaa howshaan ku guda jiray Intii u dhexeysay 1-dii Diseembar 2019 illaa 20-kii May 2021, wuxuuna diray farriimo fara-badan oo khiyaano ah, isagoo iska dhiga inuu ka socdo ururo badan oo lagu kalsoon yahay.

Ardaygan reer London, ee asalkiisu Soomaaliga yahay ayaa lagu xukumay 20 -kii bishaan Ogoosto 2021 illaa 22 bilood oo xabsi ah kadib markii lagu helay danbiya lagu eedeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.