Eric Abidal: Man. U. iskama waabin karaan Lionel Messi

Keydmedia Sport) Ciyaaryahanka difaaca uga dheela kooxda Barcelona, Eric Abidal, ayaa waxa uu sheegay in kooxda Manchester united ay ku jaha wareri doonaaan qabkii ay isag waabi lahaayen weerarka ciyaaryahanka mucjisada kubada cagta aduunyada, Lionel Messi, maalinta sabdiga ah ee ladaba koox ku balansanyihiin garoonka Wembley oo ay kadheceyso ciyaarta kama danbeysa ah ee Champions League .
Warar Keydmedia Online
Eric Abidal: Man. U. iskama waabin karaan Lionel Messi


"waxaa dhibaatadu ka taagantahaay in difaac garanaya qaabka Messi uu kubada u qaadanayo uusan jirin taasina ay tahay tan jahaawareerka gelineysa kooxda Man. U”. Eric Abidal ayaa ku faanay.

Waxa uu intaa siiraaciyay in  Lionel Messi  Ballon d'Or  uu wax badan ku guuleysan karo waqtiya kabadan waqtiyadii ay ku guuleesten xidigii ka horeeyay isaga oo taa ku macneeyaay da’da Lionel Messi  oo wali aad u yar oo sababi karta in uu fursado wanaagsan helo.


Eric Abidal  waxa uu ku nuux nuuxsaday in kooxdiisu ay Man. U. u xasuuqi doonto sidii  2009 oo garoonka  Olimpico ee caasimada Talyaaniga  uga qaadeen koobkaan.


Barcelona  ayaa waxa ay garoonka  Wembley ku qaadeen koobka labaad ee ugu xiisaha badan Yurub sanadii 1992-dii waxa uuna  Abidal rajeyay in ay markoodii labad ku qaadayaan isla garoonkii.


Keydmedia Sport