Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dagaalkaan ayaa ahaa mid aad u xooggan oo hub culus la isku adeegsaday.
Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud.
Ciidanka DFS ayaa la sheegay in weerar ay u qaadeen deegaankan oo ay ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Galgaduud ayaa sheegay in dagaalkaasi ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena ay saanad ciidan qabsadeen.
Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay bixin dagaalladan, waxaana xaaladdu hadda ay tahay mid deggan.
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ciidan ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib markii Al-shabaab ay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah DFS iyo Galmudug.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments