Diyaarad ku burburtay Garoonka Muqdisho

Afar ruux oo diyaaradda saarnaa ayaa laga soo bad baadiyay, waxaana labo ka mid ah soo gaaray dhaawac fudud. 

Warar Keydmedia Online
Diyaarad ku burburtay Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad nooca xamuulka ah ayaa saaka Abaaro Sagaalkii Subaxnimo ku soo dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Diyaaraddaan oo nooceda ahaa 5Y-MHT, islamarkaana ah kuwa xamuulka qaada ayaa ku sii jeeday magaalada Beledweyne, balse diyaaaradda ayaa si deg deg ah ugu soo laabtay Garoonka kadib cilad ku timid.

Goob-joogayaal ku sugan Garoonka ayaa Keydmedia Online u sheegay in Diyaaradda ay ku soo dhacday gidaarka xeyndaabka Garoonka, ayna ka bur burtay qeybta hore, balse aanu jirin wax dab ah oo ka kacay.

Afar ruux oo Labo ka mid ah dhaawac fudud soo gaaray ayaa laga soo bad baadiyay diyaaradda sida uu sheegay sii-haya Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Maxamed Salaad Oomaar oo goordhoweed la hadlay warbaahinta gudaha.

Diyaaraddaan ayaa la sheegayaa in laga leeyahay Dalka Kenya, waxaa ayna qeyb ka noqoneysaa Diyaarado dhowr ah oo sidaan oo kale shil ku galay garoonka Aadan Cadde.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.