Faah faahin: Qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe

Qarax khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaystay, ayaa maanta ka dhacay deggaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

News Keydmedia Online
Faah faahin: Qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe

QALIMOW, Soomaaliya - Qarax gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay, deggaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxan oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa ka dhacay maqaayad ay dadka deggaanku shaah ku cabayeen. waxaana halkaasi ku geeriyooday 3-ruux, iyadoo ay dhaawacmeen in ka badan 10 qof.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deggaanka, 10-ka ruux ee dhaawaca ah ayaa iminka lagu dabiibayaa, isbital ku yaalla magaalada Jowhar, halkaas oo loo soo qaaday galinkii danbe ee maanta.

Ilaa iyo hadda ma jirto, cid sheegatay masuuliyada qaraxan miino, ee lala beegsaday dadka rayidka ah, waxaase weerarada ceynkan oo kala ah, looga bartay kooxda Al- Shabaab.
Maamulka Hirshabelle, ayaanan weli wax war ah ka soo saarin qaraxan, iyadoo ay jirto in ciidamo ka tirsan maamulkaas, ay gaareen goobtu uu qaraxu ka dhacay.

Hirshabelle ayaa ka mid ah, meelaha ay ku xooggan yihiin Kooxda Al- Shabaab, kuwaas oo inta badan weeraro kala duwan ka gaysta deggaanada uu ka arrimiyo maamulkaas, oo lagu tiriyo mid ka mid ah maamullada dalka ee ka liita xagga amniga.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.