Faah-faahin: Qaraxa ka dhacay Hotel Pescatore [Muqdisho]

Pescatore, oo ku yaalla inta u dhaxeysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido, ayaa ka mid ah, Huteellada dhawaan laga hirgaliyay Xeebta Liido, oo sanadihii danbe noqotay goob ilo dhaqaale uu mihiim ah leh.

News Keydmedia Online
Faah-faahin: Qaraxa ka dhacay Hotel Pescatore [Muqdisho]

MUQDISHO, Soomaaliya – Dabley hubeysan ayaa caawa weerar qarax is miidaamin ah ku billowday ku qaadday, Huteel lagu magacaabo Pescatore, oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo la soo warinayo inuu sababay khasaare xooggan.

Sida la xaqiiyay, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag, oo uu wehliyay Taliyaha Ciidanka Booliiska, Cabdi Xasan Xijaar, ayaa kulan ku lahaa Huteelka, xilligii uu dhacayay weerarka, waxaana la soo badbaadiyay iyaga oo bad qaba.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa la sheegayaa in ay geeriyoodeen, halka tobaneeyo kalana dhaawac soo gaaray, dadka ugu badan ee waxyeelladu gaartay ayaana ah dhallinyarada ku shaqeysta mootada [Bajaal] iyo askarta ilaalada ah ee Jen; Xijaar la socotay.

Xogaha hor-dhaca ah ee ku saabsan khasaaraha, waxa ay muujinayaan, in dadka ku dhaawacmay weerarkaan, uu ka mid yahay, Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Booliska Soomaaliya, Jen; Siyaad iyo saraakiil ciidan, oo uu ku jiro sarkaal lagu magaabo Kampala.

Ciidamo fara-badan ayaa ku gadaaman goobta wax ka dhaceen, waana adagtahay in xogta oo dhameystiran la helo, xilliga oo habeen ah, mana jiro, wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay laamaha ammaanka Dowladda Federaalka.

Kooxda Xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, ayaa durba sheegatay weerarkaan ka dhacay degmada Cabdicasiis, waxayna xuseen in ay ku beegsadeen masuuliyiin, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Pescatore, oo ku yaalla inta u dhaxeysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido, ayaa ka mid ah, Huteellada dhawaan laga hirgaliyay Xeebta Liido, oo sanadihii danbe noqotay goob ilo dhaqaale uu mihiim ah leh.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.