Faah-faahin: Weerarkii Xabsiga Godka Jilacow ee Muqdisho {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Saraakiisha Amaanka DF Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo Gaba gabeeyeen Weerar rag ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ay ku qaadeen Godka Jilacoow oo ah Xabsi Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay ku leeyihiin Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Faah-faahin: Weerarkii Xabsiga Godka Jilacow ee Muqdisho {Dhageyso}

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay 7-ka tirsan Al-shabaab oo Meydad ah,kuwaas oo kamid ahaa kuwii soo weeraray xarunta.

Waxaa sidoo kale Weerarka ku geeriyooday Saddex Askari oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo  Qof  Shacab ah,waxaana Tirada Dhimashada ay noqoneeysaa 12 Ruux.

Dhaawaca ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin 15 Qof oo Shacab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iskugu jira.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in Al-shabaab ay ku jabeen Weerarka ay soo qaadeen.

Waxaa uu intaa ku daray Afhayeenka in Ciidamada Amaanka ay iska Difaaceen islamarkaana ay ka hortageen Weerarka.

"Weerarka Al-shabaab waan ka war haynay oo hore ayaa Sirdoonka noogu soo gudbiyay,sidaa ayey Ciidamada uga hortageen" ayuu yiri Yuusuf.

Al-shabaab ayaa maanta Godka Jilacoow ku qaaday Qaraxyo iyo Weerar toos ah.

Xabsi Godka Jilacow waxaa lagu hayaa in kabadan 20 kamid ah Kooxda Al shabaab, kuwaasi oo lagu wado dhawaan inay Maxkmad xukunto, markii Ciidamada Amaanka DFS kusoo qabteen Howlgallo.

Meydad gaaraya 8 Qof oo la sheegay inay ahaayeen kuwii Weerarka fuliyay ayaa loogu soo bandhigay Saxaafadda Afaafka hore ee Xabsiga Godka Jilacow, waxaana Afhayeenka Wasaaradda Amniga uu sheegay in 3 Askari & Qof Rayid ah ay ku dhinteen Weerarkii Maanta.

Weerarka waxa uu billowday 12A.M. Duhurnimo Waqtiga Muqdisho, waxaana uu kuu billowday Qarax Gaari oo lagu qarxiyay Irida Xabsiga, kaasi oo xigay Rasaas badan oo isku bedeshay Dagaal qaatay 30 Daqiiqo. Al shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyadda Weerarka.

Sarkaal ka tirsan Booliska DFS ayaa u sheegay KON in Kooxda ay wateen Labo Gaari, mid waxa uu isku qarxiyay Albaabka, halka kan kale uu waday Dagaalyahano wata Tuutaha Militariga DFS kuwaasi oo gudaha Xarunta Xabsiga galay, kadibna Dagaal la galay Ciidamada Nabad Sugida.

Weerarkii Maanta waxa uu ahaa mid aad looga maqlayay Muqdisho, marka laga hadlayo Qaraxyadii & Rasaasta loo adeegsanayay, waxaana la armayay gaadiidka Gurmadka oo Dhaawacyada u wada Isbitaalada Caasimadda, iyadoo markii uu dhamaaday Weerarka uu Xabiga noqday mid degan kadib markii Ciidamada Gurmad ah tageen oo gacan ku haynta la wareegay.

Al shabaab waxa ay isku dayday inay si xoog ah kusoo furato Maxaabiis Xabsiga Godka Jilow uga xiran, balse uma suura galin oo dhamaan waa la dilay kuwa Weerarka soo qaaday, ayuu yiri Sarkaalka Booliska ah ee la hadlay KON.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.