Faah Faah: Qarax Ciidamada Dowladda Maanta Lagula Eegtay Muqdisho

Muqdisho (KON)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax khasaare dhaliyay oo maanta Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagula eegtay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Faah Faah: Qarax Ciidamada Dowladda Maanta Lagula Eegtay Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa Bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhaawac oo soo gaaray 3 kamid ah Ciidamadii qaraxa lala eegtay, waxaa sidoo kale soo baxaya in qaraxaasi ku geeriyoodey qof rayid ah oo ku suggnaa isagoyska KM4.

Xaalada hadda way dagantahay waxaana dib u soo laabtay ganacsigii iyo isu socodkii KM4 oo in mudda ah hakad galay, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray Ciidamo kale oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho